Dowladda oo iclaamisay dagaal jiho cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujeedkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarkaana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.

Dr. Sulaymaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa kale oo uu ku sheegay inay dambi tahay in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab ama loo fududeeyo, sidaas darteedna uu xafiiskiisa bilaabayo howl-galka socda kaalinta uu ku leeyahay.

“Sida ay geesiyaasha ciidamadeena Soomaaliyeed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaalo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah kooxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaaminayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisada iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu ku yiri qoraalka Xeer ilaaliyaha guuf ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu xusay in xafiiskiisu uu bilaabay baarista kiisaska la xiriira lacagaha la dhaqo iyo maal-gelinta nacfiga kasoo galo Al-Shabaab, ayada oo arrintaas kala kaashanaysa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maal-gelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaashanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maal-gelinayo argagixisada.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay dowladdu sheegtay inay gacan adag ku qabaneyso dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee u sahlaya in ay dhaqaale helaan, ayada oo dhowr jeer ay digniino ku aadan arrintaas soo saareen Wasaarada arrimaha gudaha, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo hay’adaha amaanka dowladda.