Dhageyso: DF oo ka hadashay is-casilaadda Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa halkii uu isku casilay madaxweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ka jeediyay hadal kooban markii maanta uu halkaas booqasho ku tagay wasiirka.

Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu maanta sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed”

Mudane Sabriye ayaa tilmaamay  inuu u mahadcelinayo una hambalyeeynayo madaxweynihii hore Shariif Xasan.

“Walaalayaal annagu waxaa ku nimid, arrin u baahnayd inaan u imaanno oo aan wax ka fariisinno oo maamulka Koonfur Galbeed ka jirtay iyo arrimaha hadda uu madaxweyne Shariif ku hormaray” ayuu yiri wasiir Sabriye.

Dhageysi hadalka Sabriye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com