Shariifka oo kulankii ugu dambeeyay la yeeshay golaha wasiirada K/G

Baydhabo (Caasimada Online) – Shariif Xasan Sheikh Aadan oo shalay gelinkii dambe xilka si KMG ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maanta kulankiisii ugu dambeeyay la yeeshay golaha wasiirada Koofur Galbeed.

Kulamo gaargaar ah ayuu ilaa xalay la lahaa odayaasha dhaqanka, xildhibaanada, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiiradiisa qaar, isaga oo kala hadlay isbadalka Koofur Galbeed.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa uu u badnaa dardaaran uu u jeedinayay golaha wasiirada, maadaama uu shalay wareejiyay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Golaha wasiirada ayuu kaga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen, isagoo shalayna u mahadceliyay dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay mudadii uu xilka madaxweynaha Koofur Galbeed hayay.

Ilaa iyo hadda si cad looma hubi in 9 maalin kadib Koofur Galbeed ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha badali lahaa Shariif Xasan, waxaana musharixiinta qaar ay dalbadeen in doorashada dib loo dhigo.

Shariif Xasan wuxuu ahaa madaxweynaha Kaliya ee aan laheyn madaxweyne ku xigeen, waxaana wasiirada qaar ay u ahaayeen saaxiibadiisa dhow sida Maxamed Xasan Fiqi oo marar badan xilkiisa kumeel gaar ahaan u hayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com