Is-casilaadii Shariif kadib madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan is xogwareysi ah madaxtooyada kula yeeshay Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.Craxmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulankooda wuxuu ku saabsanaa iska xogwareysiga xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaala baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed  Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Maxamed Mursal, ayaa doorweyn ku lahaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay yimaadaan magaalada Muqdisho, taasi oo culees ku noqotay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ugu dambeyn shalay tanaasulaad sameeyay.
Kadib Iscasilaada Shariif Xasan, waxaa jira walaac soo kordhay oo ah in Shariif Xasan lala damacsan yahay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo caqabad ku noqon doonto haddii ay dhacdo xukuumada iyo xafiiska madaxweynaha.
Shariif Xasan, ayaanan la ogeyn ciyaarta cusub ee ciyaari doono, waxaase muddadii uu siyaasadda Soomaaliya ku jiray ahaa ruux heystay taageerada Ethiopia oo wax badan ka sameeyay Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com