Dhageyso: DF oo shaacisay in laba sabab dartood aan afti loo qaadi karin dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa maanta shaaciyay in dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya aan afti loo qaadi karin inta ay maqan tahay Somaliland, oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya.

Wasiir Xoosh ayaa marka hore labo arrin ku sababeeyay waxyaabaha diidaya in afti loo qaado dastuurka.

Waxa uu midda hore ku sheegay xaaladaha amniga iyo arimaha siyaasada dalka oo ka dhigaya in aysan suurta gal aheyn in hadda afti loo qaado dastuurka.

Maamulka Somaliland oo ka maqan nidaamka federaalka ee Soomaaliya, ayuu wasiir Xoosh sheegay inay tahay sababta labaad, waxaana uu taasi ku micneeyay sababta ugu weyn ee aan afti loogu qaadi karin dastuurka dallka.

Waxa uu tilmaamay in haddii Somaliland nidaamka federaalmka dalka lagu qanciyo in ay ka mid noqoto, in markaas kadib dastuurka loo qaadi karo afti dadweyne.

Halkan ka dhageyso Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com