Dhageyso: DF Somalia oo war kasoo saartay askartii ay dileen ciidamada Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin ka hor ayay aheyd markii mid ka mid ah Gaadiidka AMISOM uu deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dilay Saddex Ruux oo watay mooto kadib markii uu jiirsiiyay, waxaaana saddexda laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay falkaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir Generaal Maxamed Xuseen Madaale  oo shir jaraa’id Warabahinta u qabtay ayaa sheegay inay arkeen cabashada ehelada dadkii AMISOM gaariga jiisiiyay, waxaana uu sheegay in Gaadiidkii AMISOM ee falkaasi geystay gacanta lagu dhigay, isla markaana wadahadal kadib ay qirteen Ciidanka AMISOM.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhacdadaasi ay wax ku noqdeen labada Askari iyo darawalka mootada ay diiwaangeliyeen, isla markaana AMISOM ay sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka xaajooto falkaas.

Ehelada dadka shilkaasi gaari ku dhintay ayuu ugu baaqay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku hayaan sida ay dhacdadaasi u dhacday, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay kula xisaabtameyso Ciidamada AMISOM ay ka dambeeyay falkaas.

Hoos Ka Dhageyso codka Taliyaha  

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com