DHAGEYSO: Dilkii Ugaaska Cawramale oo lugaha la galay AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa xaqiijiyey in dilkii loo geystay Ugaaska Beesha Cawramale Xuseen Hafow inay ka dambeeyeen maleeshiyada Axmed Madoobe.

Cabdi Isxaaq Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Kismaayo ayaa Idaacada Risaala u sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen ciidanka Maamulka Jubba, gaar ahaan waxa uu farta ku fiiqay Wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubba Mr Darwiish.

Nabadoonkaan wuxuu sheegay in shalay Kismaayo lagu xir-xiray lix ruux oo qaab beeleed loo bartilmaameedsaday, hadana isla shalay Kismaayo lagu dilay nin Oday ah oo kamid ah Nabadoonada Kismaayo sida weyn looga yaqaano.

Maamulka KMG ee Jubba ayuu ku eedeeyay mid gabigiisba ah qabiil oo aan natiijo badan laheyn isaga oo quus ka muujiyay habka qabiilka ah ee Maamulkaasi uu ku dhaqmayo.

Hadii xaalada sidaan ay kusii socoto, wuxuu sheegay inay qaadan doonaan tilaabo uusan sheegin waxa ay tahay, laakiin aysan dulqaad badan ulaheyn arimaha ka taagan Kismaayo.

Halka ka dhageyso Nabaddoon Cabdi Isxaaq

nabaddoooon

Masuuliyiin u hadlay maamulka KMG ee Jubba, ayaa sheegay in dilka Ugaas-ka loosoo qabtay labo ruux oo iminka gacanta lagu haayo.

Dilalka loo geysanayo dadka Nabadoonada ah ayaa kusoo badanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com