SHARIIF XASAN: Qorshaha aan u nimid Beydhabo waa uu hirgali doonaa

Beydhabo (Caasimada Online)-Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markale soo hadlay isagoona sheegay qorshaha ay u joogaan Beydhabo oo ah in ay sameeyana maamul gobaleed ka kooban seddax gobal uu hirgali doono.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku weerarray sidoo kale kooxo uu sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in ay nabad galyo la’aan ka abuuraan magaalada Beydhabo, wuxuuna sheegay in ay adeegsadaan dhallinyarada oo ay lacago siiyaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa kaloo uu beeniyay hadal uu sheegay guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa in uu hub la tagay magaalada Beydhabo, isagoona hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Shariif Xasan ayaa ugu dambeyn sheegay in uu Beydhabo u joogo siddii uu badbaadin lahaa dadka deggan gobalada seddaxda ah ee maamulka loo sameenaayo.

Dhinaca kale, wararka saakay naga soo gaaray Beydhabo ayaa shegeay in magaalada ay kacsan tahay oo waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo waxbaradaha, waxaana magaalada lagu arkayaa dadweyne careesan oo ka soo horjeeda joogitaanka Beydhabo ee Shariif Xasan.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Beydhabo taasoo laga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal lagu hoobto, waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xiisada ka taagan Beydhabo waxaana ay ku baaqeen in miiska wadahadalka la fadhiisto.

Caasimada Online

Xafiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com