Dhageyso: “Dowladda wayna qiyaantay waxaana arrintan ka mas’uul ah ciidamada AMISOM….” !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Tooratoorow ayaa sheegay in qiyaano lagu sameeyay shacabka ku dhaqan degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha oo wareysi Siinayay Idaacada Risaala ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmadaas lala joogay oo kaliya muddo 27 maalin ah kadibna ciidamada amaanka ay isaga soo tageen.

Wuxuu sheegay in arinta kasoo bixitaanka ay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM ee ku sugnaa magaalada oo uu sheegay in xili saq dhexe ah lagu wargiliyay bixitaanka ciidamada AMISOM.

Wuxuu la yaabay marka ciidamada AMISOM ay baxeen in degmada aysan joogin ciidamo dowlada ka tirsan oo agabkooda u dhameystirnaa degmada aysan difaaci karin sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha Tooratoorow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com