Ciidamo ka goostay Garowe oo tagay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka goostay maamulka Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, sida ay mas’uuliyiin u sheegeen Caasimada Online.

Muxudiin Yuusuf Samatar oo ah gudoomiyaha Xaafadda Howlwadaag, magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa xaqiijiyay in ciidamadaasi ay soo gaareen magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin ciidamo Garoowe kasoo gadooday oo ku kacsan Cabdi Weli Gaas.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in amniga uu yahay mid hagaagsan, waxaana meesha uu ka saaray in ciidamada Puntland la dejiyay halka kala qeybisa Labada maamul ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan idiin sheegayaa ciidamo wey jiraan Puntland ka tirsan oo Gaalkacyo yimid, laakiinse waxaan maqalnay in ay yihiin kuwo kasoo gadooday Garoowe, anagane wixii dhexdooda ah shaqo kuma lihin, midda kale waxaan idiin sheegayaa ma aanu maqal ciidan qalqal ku beeraya gobalka oo yimid, ammaankana waa mid wanaagsan” ayuu yiri gudoomiyaha.

In kastoo mas’uuliyiinta gobalka Mudug u kala qaabilsan Galmudug iyo Puntland ay beeniyeen in ciidamo Labada dhinac ah isku hor fadhiyaan Gaalkacyo ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in halkaasi dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com