XOG: Cadaado oo isku bedeshay suuqa codadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo madasha uu shirka Cadaado ka socdo, ayaa sheegaya in Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug ay ku dhex milmeen Ergooyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Musharaxiinta ay bilaaben inay iibsadaan Codka Xildhibaanada cusub ee Galmudug si ay ugu soo baxaan doorashada.

Hoteelada ku yaala Cadaado ayaa waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay Xildhibaanada la kala yeelanayaan Musharaxiinta waxaana la soo warinayaa in Musharaxiintaasi ay lacago farqaha uga buuxinayaan Xildhibaanada si ay u hantaan codadkooda.

Musharaxiinta ayaa xiligaani ku dhiiraday inay iibsadaan codka Xildhibaanada bacdamaa maalmo un ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha uu yeelan doono Maamulka Galmudug.

Musharaxiinta qaar ayaa adeegsanaayo Ergooyinka si Xildhibaanada matalaayo ay uga dhaadhiciyaan inay u codeeyaan mid kamid ah musharaxyada.

C/samad Aadan oo kamid ah Ergooyinka ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanadu ay galeen jawi ka duwan kii hore, waxa uuna sheegay in mushquulka intiisa badan uu yahay mid ku saleysan kala iibsashada Xildhibaanada waxa uuna tilmaamay in musharaxiintu ay bixinayaan dhaqaale adag si ay u kasbadaan Xildhibaanada.

Waxa uu sheegay in madasha shirka uu mar qura isu bedeshay mid mashquul badan, waxa uuna sheegay inuu socdo laaluush ay kala qaadanayaan Ergooyinka, Xildhibaanada iyo Musharaxiinta oo dhinac ah.

Dhanka kale, C/samad Aadan ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inaysan qaadan waxa loogu yeero laaluush ay codka kaga iibsanayaan Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com