Ahlu-Sunna oo weerartay madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Danjire Maxamed Xuseen Awliyo kana mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Ururka Ahlusuna ayaa dhaliil adag u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Awliyo ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu hagardaamo mashaqo uga dhigay Ahlusunna waxa uuna sheegay in Mashaqadaasi ay la xiriirto Siyaasada Somalia iyo hanka ay Ahlusunna ku baadi goobeyso helida kaalinta kamaqan.

Waxa uu sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha DFS ku eedeeyo inuusan si xaq ah ku maamulin Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ahlusunna, waxa uuna farta ku goday in Xassan Sheekh uu laaday hamigii laga lahaa isku soo dhawaanshaha DF iyo Ahlusunna.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka waantoobo arrimahaasi iyo inuu caddaalad ku maamulo Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku goodiyey inuu Kacdoon la mid ah kan ka dhacay Dhuusamareeb oo kale ka dhici doono magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Inta ay socto hagardaamo ayuu sheegay in Somalia uusan xal ka dhalan doonin, kaliya xalka uu ku jiro in gacan midig lagu wada bixiyo Cadaalada.

Dhanka kale, Ahlusunna ayuu ugu baaqay inay qafiifiyaan Siyaasada sida xooliga ay ku wadaan si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com