Xubnihii Leelkase oo qasab looga saaray Cadado

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka shirka Cadaado ayaa sheegaya in Gudiga farsamada shirkaasi ay ceyriyeen Xubno kasoo jeeda beesha leelkase ee Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xubnahaasi laga eryay cadaado ay iminka dib ugu laabteen Gobolka Mudug qeybteeda Puntland, waxaana la tilmaamayaa inuu hogaaminaayay Jaamac maxamed Axmed Jaamac Sandaq oo horay usoo noqday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug xiligii Cabdiraxmaan faroole.

Xubnahaasi oo ka koobnaa ilaa 5 ruux, ayaa waxa ay wajigabax kala kulmeen madashada uu shirka ka socdo, waxaana si cad looga mamnuucay inay xubno ka noqdaan shirka. Amarka ayaa waxaa Muqdisho kasoo dhiibay R/W Cumar oo maamulka beeshiisa Puntland ay ka dalbatay sidaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xubnahaasi awood looga dhexsaaray shirka islamarkaana diyaarad rakaab ah laga saaray Cadaado taasi oo ka dajisay Mudug.

Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa horay uga hor imaaday in beesha leelkase ee Puntland laga qeybgaliyo shirka kadib markii uu sabab uga dhigay inay degan yihiin Mudugta Puntland oo aan la raacin Maamulka G/Dhexe ee Somalia.

Xubnaha Beesha leelkase ayaa DF Somalia ku eedeeyay faquuq Siyaasadeed waxa ayna cadeeyen in madasha ay ku gaaren wanaag, balse ay uga soo baxeen wajigabax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com