Dhageyso: Khaatumo oo la safatay GAL-MUDUG, Jawaari iyo Xasan dhulkana ku jiiday PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo ayaa wax laga xumaado banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay dhigayeen dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaasi.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatuma Maxamed Gacmo-weyne, ayaa si cad u sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamulka  Puntland falkaasi ku dhaqaaqaan ayna kasoo horjeedaan.

Wuxuu si cad u sheegay in banaanbaxyada ay wataan dad siyaasad ku doonaya iney mansab ku gaaraan oo shacabka Puntland aysan fahansaneyn ciyaarta socota, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wuxuu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Puntland mar walbaa k ahortimaado horumarka ay gaarayaan shacabka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu isweydiiyay sababta sawiradii lagu banaanbaxayay looga reebay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo waliba ah masuulka dhisaya maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo arintaasi qabyaalad ku tilmaamay.

Hoos ka dhageyso wareysi oo xiiso badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com