Xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ka ogaato sadexda musharax ee isku haya xilka Galmudug

Marka hore waxaan idinkugu hambalyeynayaa masuuliyadda aad muujiseen iyo rabitaanka nabad ku wada noolaasho gobol ahaan iyo qaran ahaanba.

Marka labaad waxaan rabaa in aan idiin iftiimiyo xaaladda ku gadaaman doorashada madaxweynaha Gal-Mudug oo aad u diyaar garoobeyssaan.

Markaan musharrixiinta aan mid mid u kala qaadna:-

1 – Mudane Axmed Cabdisalaan waa nin mutacallim an ah oo waaya arag ah masuuliyada sarsarana dalka ka soo qabtay, laakiin waxaa ka dhimman dhammaan sifayaasha looga baahanyahay hoggaan mustawa kasta oo uu yahay hoggaankaasi.

  • Axmed Cabdisalaan ma laha mowqif siyaasadeed ee Subixi waa Dam-jadiid galabtiina waa Al-Sunna waljamaaca habeenkiina Waa XXXXXX.
  • Axmed Cabdisalaan markuu hadda isi sharaxaayay wuxuu sheegay inuu saaxiib la yahay dowladdaha Ethiopia, Kenya, Djibouti, Canada, Mareykanka iyo dowladda badan. Axmed wuxuu runta ka sheegay. Inuu dowladda Ethiopia la shaqeeyo oo danahooda la fuliyo.
  • Axmed Cabdisalaan siyaasaddiisu waxaay ku saleysantahay (Tra I due littiganti il terzo gode), ma aha nin maslaxo. Hadii uu yahay nin maslaxo, waxna hoggaaminkaro wuxuu heshiisiinlahaa deegaamada Guriceel, Dhusamareeb iyo Ethiopia. Xasuuso dowladdaha uu saaxiib la yahey.
  • Axmed wuxuu rumeysanyahay in beesha uu ka soo jeedo ay beelaha ugu badantahay uguna mudantahay assaguna dadka ugu cilmi badanyahay sidaas darted ma hoggaamin karo shacabka gobollada dhexe nin caynkaasi ah.

2 – Cabdikariin Xuseen Guuleed assaga waxaa ku filan maah maah. Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa gabay ku caayey mid walba oo Qabiilada Soomaaliyeed assago ka reebay hal qabiil, markii la weydiiyey maxaad uga reebtay reer hebel, wuxuu ku jawaabay dad baan ka hadlaayey .

Cabdikariin wanaag laga sheego ma laha dhammaantiis, waa Cabdikariin Xuseen Guuleed oo masraxa siyaasadda daaqadda ka soo galay, shacabka Soomaaliyeedna waa yaqaannan kartidiisa iyo daacad la,aantiisa, haddaad doorataan dib dambe idinkugu soo laaban mayo.

3 – Axmed Macalin Fiqi, waa nin mutacallin ah, masuuliyada badan dalka ka soo qabtay, masraxa siyaasaddana ku yimid halgan aan qarsooneyn, siyaassad qaranka lagu hagi karana xambaarsan, aqoonna u leh degaannada gobollada dhexe oo ku soo barbaaray kana soo jeeda qoys laga xurmeeyo dhammaan degaannada Gobollada dhexe. Waa nin balanqaadka siyaasadeed fuliya.

Sidaas daraadeed waxaan ku soo gabagabaynayaa baraarujinteydan reer Gal-Mudugow nin aan iddiin furidoonin yuu idiin rarin, waxaan idiin sheegayaa Dowladda dhexe dhaqaale iyo horumar midna ma siiso Gobollada ee kartida hoggaanka maamul Goboleedka iyo mucaawanada dibedda ayaa lagu hormarinayaa Gal-Mudug ee nin karti leh oo isku kiin wadi kara doorta.

W/Q: Najiib Nassir Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid