Xasan Sheikh, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo waxaysan filaneyn kala kulmay Ethiopia (Xog)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Jubba iyo madaxweynaha Koofur Galbeed oo siyaabo kala duwan isku khilaafsan ayaa doonayay iney dhexdhexaadin u sameeyso dowlada Ethiopia.

Si kastaba, saddexda mas’uul oo laba ka mid ah, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay dhowaanahan joogeen Ethiopia ayaa dowladda dalkaas kala kulmay hadal aysan fileyn oo ah inaysan dhex-dhexaadin karin.

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr Tedros Adhanom ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida iney dhameeyaan khilaafaadka dhexdooda ka taagan, oo aysan mar walba usoo ordin dowladda Ethiopia si ay u kala dhex gasho.

Wasiirka ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii uu la kulmay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulankaasi oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Wafuud ka socota Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa waxaana ujeedada tahay dhameynta kala duwanaanshaha u dhaxeeya maamulka Jubba iyo maamulka koofur galbeed.

Wuxuu Dr Tedros u ku sheegay shirkiisa jaraa’id in labada maamul looga baahan yahay dhameynta kala duwanaanshaha  u dhaxeeya iyadoo loo marayo dhanka naba laguna dhameeyo sida ugu macquulsan uguna dhaqsi badan.

Sidoo kale maamulka Jubba ayaa khilaaf wuxuu kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhashay mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka u codeeyay ee sheegayay in sharci daro tahay qaabka loosoo dhisay baarlamaanka Jubbaland.

Mar walba oo uu khilaaaf soo kala dhexgalo hogaamiyaasha Soomaalida, inta badan waxay tagaan dalka Ethiopia si ay ugu bandhigaan kala duwanaanshahooda loona dhameeyo khilaafaadkooda.

Ethiopia ayaa dhexdhexaadiin u sameysay hogaamiyaasha Soomaalida oo kala duwanaansho uu soo kala dhexgalay sanadihii lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com