KASHIFAAD: Wasiir ka tirasan DF oo 500,000 oo dollar Kenya uga qaatay hakinta kiiska BADDA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo xogagaal ka tirsan Baarlamaanka Kenya, gaar ahaa kuwa Soomaalida ayaa xaqiijinaaya in Wasiirka arimaha dibedda Somalia C/salaan Xaaji Hadliye uu Dowlada Kenya dhaqaale adag uga qaatay barnaamijka muranka Badda Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Taariikhdu marka ay aheyd April 11, 2015 uu Wasiir hadliye Wasaarada arrimaha dibadda Kenya kula kulmay dhigiisa Kenya, Wasiirka Kheyraadka iyo xubno ka tirsanaa Madaxtooyada Kenya.

Hadliye ayaa Mas’uuliyiintaasi ay kawada hadleen arrimaha khilaafka badda ee Kenya kala dhexeeysa DF Somalia, waxa ayna xogtu sheegeysaa in Hadliye kulankaasi lagu gudoonsiiyay lacag cadadeeda lagu sheegay 500,000 oo dollar taasi oo la sheegay in looga gol lahaa inuu hakiyo arrimaha xasaasiyada abuurtay ee la xiriirta Badda Somalia iyo dacwadda taala maxkamadda Hague.

Dhaqaalahaasi ayaa waxaa Hadliye gudoonsiiyay Wasiirada arrimaha dibadda Kenya iyo la taliyaha arrimaha Siyaasadda Madaaxweynaha Kenya oo isagu wakiil u ahaa Madaxweyne Uhurro Kenyattaa.

Lacagtaasi badelkeeda ayaa la tilmaamayaa in Hadliye uu saxiixay heshiis hoosaad la xiriira in DF Somalia ilaa xad ay ka tanaasuleyso mowqifkeedii ahaa in Maxkamada la horkeeno Kiiska muranka Badda, waxaana la soo warinayaa in warqadaasi uu ku qeexay in DF Somalia ay wada hadal ku dhameyneyso muranka, haddii ay kasoo bixi weyso natiijo ay dib ugu soo celin doonaan Maxkamada.

Amina Mohamed oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo tixraaceysa heshiiskaasi, ayaa sheegtay inay DF Somalia ay ogolaatay inay ka tanaazusho mowqifka Muranka Badda laga horcadeeyo Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda.

Waxa ay sheegtay in Kenya iyo Somalia ay wada gaaren heshiis ah in muranka badda dib loo dhigo islamarkaana labada Dowladood ay kawada xaajon doonan xal ka gaarista murankaasi.

Sannadkii 2012-kii, ayaa Dowladda Kenya waxaa lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah kula heshiisay Shirkadaha Shidaalka ee Total iyo Eni inay shidaal iyo gaas ka baaraan xuduud-baddeedka Somalia, inkastoo ay Kenya beenisay eedeymahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com