Dhageyso: Fadeexad hareysay xafladii arooska gabadha Ismaaciil C. GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Fanaaniinta Djibouti ee ku nool qurbaha ayaa qeeyladhaan afka furtay kadib markii Abwaan Cali Seenyo uu Fanaaniin Reer Somalia ah u kaxeeyay arooska gabadha Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle. Hooyada Fanaaniinta Djibouti Faduma Ahmed Dhimbiil ayaa fadeexadii ugu darneed todobaadkaan shaacisay.

Faduma Dhimbiil waxay sheegtay in Fanaanadii ugu weyneed Jibouti oo lagu magacaabo Xaawo Geelqaad aysan guri heysan sidaas darteedna ay seexato wadada Dekadda Jibouti.

“Sangub guri qurux badan ayaa loo dhisay laakiin nasiibdaro gabadhii fanka iiga weyneed ee Xaawo Geelqaad waxay seexataa dariiqa ,anigana halkaan London ayaan iska joogaa,waa nasiibdaro in sidaasi xukumadda Jibouti u dhaqanto” ayey tiri Faduma Dhimbiil.

Faduma Dhimbiil oo ay hareer fadhiday Fanaanada Aamina Afrik waxay si kulul u cambaareeysay Abwaan Cali Seenyo oo mar walba lagu tilmaamo inuu yahay cunsuri astaan u noqday qabyaalada.

Faduma Ahmed Dhimbiil, Xaawo Geelqaad iyo Nimca Jamac waxay sedexdooda ka mid yihiin Fanaaniintii gobanimadoonka DJibouti kaalinta libaax ka qaatay laakiin nasiibdaro waxaa laga doortay Fanaaniin ka soo jeeda dalka Somalia.

Dadku waxay isweydiinayaan xurmo darada Dowladda Djibouti ku qasabtay in Cali Seenyo loo wakiisho xulida Fanaaniinta maxay tahay?

Halkan ha ka dhageyso warbixinta

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com