Xog: MUSTAF Dhuxulow oo si xatooyo u iibsan raba garoonka diyaaradaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Warfaafinta DFS uu wado qorsho uu ku iibsanaayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Dayniile.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Mustaf uu dhawaan Booqasho ku gaaray halkaasi isaga iyo Siyaasiyiin ka kala tirsan Dowlada iyo Beelaha Murusade, Habar gidir si ay usoo mitiriyaan baaxada dhulkaasi uu ku fadhiyo islamarkaana kusoo indha indheynayeen.

Xogta ayaa waxa ay intaa kusii dareysaa in Mustaf Dhuxulow uu Garoonkaasi ka iibin rabo Shirkado ay leeyihiin Ganacsato kasoo jeedo Beesha Habargidir, inkastoo aan si dhab loo ogeyn iibinta xiliga ay dhaceyso.

C/Weli Qanyare oo uu dhalay Siyaasi Maxamed Qanyare, ayaa isaguna qeyb ka ah Siyaasiyiinta u ololeyneyso gadida Garoonkaasi, waxaana jiro warar is khilaafsan oo sheegaya inuu iibsanaayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif  Xassan Sheekh Aadan, halka wararka qaarna ay ka tilmaamayaan in laga iibinaayo shirkad ay leedahay Beesha Habargidir.

Dhulka garoonka uu ku fadhiyo, ayaa waxaa leh dad shacab ah oo beesha Mataan Cabdulle u dhashay, kuwaasi oo dhulka dib u helay, kadib markii uu muddo heystay Maxamed Qanyare Afrax.

Shirqoolkan cusub, ayaa ah mid magaca dowladda loogu ganbanayo, ayada oo horey ay dowladda u sheegtay inay dib u habeyn ku sameeneyso garoonkaas.

Waxan si qoto dheer loosii saadalin Karin halka uu heshiiska u maraayo qeybahaasi iyo go’aanada leysla meel dhigay, waxaana arrintaasi il-gaar ah ku heysa Shabakada Caasimada Online oo iyadu soo bandhigta waxyaabaha dadka lagu qaldo.

Naga filo cadeymo iyo Dukumiintiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

caasimada@live.com