Xildhibaan caan ka ah BF iyo imaamka beelaha Habar-gidir oo isku hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble oo si yaabo kala duwan uga kala hadlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku kala duwanaaden Dagaalada laga abaabulaayo Gobalka Shabeelaha hoose.

Prof Dalxa oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Imaamka Beesha Habargidir uu koow ka yahay Dagaalada ka soconaayo Shabeelaha hoose, waxa uuna Tilmaamay in ruux waliba ee ku geeriyoodo uu Mas’uuliyadiisa qaadi doono Imaam Rooble.

Sidoo kale, Dalxa waxa uu si aan ganbasho laheyn u sheegay in dhacdooyinka ka socdo G/Sh/hoose ay Dowlada Federaalka indhaha ka qabsaneyso, isagoona shaki ka dhaliyay in hubka lagu dagaalamaayo ay bixiso Dowlada Federaalka.

Wuxuu sheegay in Beelaha Biimaal ay iska celi doonaan ruux waliba oo garwaaqsado inuu la jiifto hanta uusan laheyn uu micnaheeda ula jeedo Beesha Habargidir hamiga uga jiro G/sh/ hoose.

Dhanka kale, Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble, waxa uu dhankiisa ka sheegay in wixii intaan kabadan aysan u dulqaadan doonin Ficilada Beelaha Beemaal, wuxuuna wacad ku maray in G/Sh/hoose aysan kula noolaan doonin Beel kasoo jeedo Beemaal.

‘’Dalxa iyo beeshiisa Taariikhda G/sh/hoose dib ha u baaraab, waa xaaran inay isku dayaan inay afduub iyo dagaal ku qabsadaan Beemaal G/sh/hoose, taasi kama yeeli doono waxaana ka xignaa Dagaal, xili waliba waxan diyaar u nahay Dagaal’’ ayuu yiri Imaamka Beesha Habargidir Cabdullaahi Khaliif Rooble.

Waxa uu Xildhibaanka ugu baaqay inuu Joojiyo Siyaasadaha uu Afkiisa ku Ololinaayo, waxa uuna kaga digay inuu iska Horgeeyo Beelaha Hawiye.

Waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray in Beemaal ay usoo diyaar garowdo Dagaal ay kusoo ceshaneyso G/sh/hoose waa haddii ay iyagu leeyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com