Bashiir Goobe oo qaatay bastooladihii loogu talo galay nabadsugida & lacag

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Shabakadani, ayaa xaqiijinaayo in Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Bashiir Goobe uu la baxay in kabadan 300 oo Bastoolado laga kala keenay Dowladaha dariska la’ah Somalia.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Bashiir Goobe inta uusan xilkaasi wareejin la baxay gawaari iyo Bastooladaha Hay’ada loogu deeqay inay ku shaqeyso, balse Bashiir uu lunsaday.

Bashiir Goobe, ayaa ciyaaray qiyaano cajiib ah, isaga oo 500 oo bastoolad siiyey xildhibaanno iyo xubno kale, inta kalena xaday, si aysan xildhibaannada uga daba qeylin, sida aan horey u shaacinay.

Waxa uu fursad u arkay in ciidanka nabadsugidda ee uu madaxda u ahaa ay yihiin kuwa aan lahayn cid u hdasha.

Sidoo kale, Goobe ayaa waxa uu bixiyay gawaari nooca raaxada ah oo loogu talo galay inay ku shaqeeyaan Ciidamada, waxa uuna gawaaridaasi kala baxay garoonka diyaaradaha iyo kuwo u yiilay garaashyada Hay’adda.

Xogtu waxa ay intaa sii raacineysaa in Bashiir Goobe uu nusqaamiyay Mushaaraadka Shaqaalaha kadib markii uu helay xog ku saleysneyd in xilka laga qaadi doono waxa uuna xalaaleystay dhaqaalihii loogu talo galay shaqaalaha, halka boosaska qaarna uu u qeybiyay dhalinyaro ay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Mahan mid halkaani lagu soo koobi karo nusqaanka Bashiir Goobe uu ku sameeyay Hay’adda Nabadsugida, waxaana xusid mudan in Hay’adda ay ka buuxaan shaqaale iyo Ciidamo badan oo aan mushaar lasiin ku dhawaad Sannad iyo bar.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

caasimada@live.com