Gaadiidka Dagaalka Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo is-horyaalla

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Col Barre Hiiraale ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan horay looga baran.

Dhaqdhaqaaqani ayaa waxaa sheegay Saraakiisha ciidamada Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxa ayna tilmaameen inay xiligaani kaabiga ku hayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Amisom.

Sidoo kale, Sarkaal u hadlay ciidamada maamulka Barre Hiiraale, ayaa tilmaamay inay wadaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegi lahaayen Magaalada kismaayo, iyagoona daboolka ka qaaday inay heystaan Ciidamo ku sugan Magaalada Kismaayo oo dhankaasi ka kaabi doono.

Saraakiisha ayaa intaa raaciyay in Ciidamadooda ay hadda ku sugan yihiin duleedka degmada Kismaayo, ayna rajeynayaan inay dhawaan galaan magaaladaasi.

C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah sarkiisha taabacsan ciidamada Barre Hiiraale, ayaa sheegay in dagaal ay kula wareegi doonaan maalmaha soo socda magaalada Kismaayo.

Mr. Gaas wuxuu kaloo sheegay in hada ciidamadooda ay udiyaarsan yihiin inay dagaal ku galaan magaalada Kismaayo, maadaama sida uu sheegay ciidamada ay udhameystiran yihiin dhamaan qalabka ciidanka, ayna u taagan yihiin sida uu yiri ka xureynta Kismaayo.

Dhanka kale, waxa ay wararku sheegayaan in hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni uu Saraakiisha iyo Ciidamada ku amray inay soo saaran gaadiidka Dagaalka, islamarkaana iska caabiyaan waxa uu ugu yeeray Maleeshiyada Barre Hiiraale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Axmed Madoobe qaarkood ay u dhaqaaqeen duleedka Kismaayo, si ay kuwa Barre uga hortagaan, oo aanu dagaal uga dhicin gudaha Kismaayo.

Lama Oga halka uu ahaan doono biyo dhaca Hanjabaadaha xad dhaafka ah oo ay hawada isu marinayaan Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Barre Hiiraale, hase yeeshee kooxda Barre Hiiraale, ayaa marar badan ku hanjabay qabsashada Kismaayo, welina uma suurta galin, waxaana dadka qaar ee Kismaayo ay inoo sheegeen inay sheekadani tahay hanjabaad un, oo uu Barre awood u lahayn inuu dagaal fuliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caasimada@live.com