Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda gobolka GALGADUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda degmada Caabuud-waaq ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka oo uu u dhexeeyo labo meleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda hal qabiil ayaa la sheegay in uu ku faafay magaalada waxaana uu hakad ku keenay isku socodka dadka iyo ganacsiga.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Dadka dhaawaca ayaa loo kala qaaday Isbitaalada Badbaado iyo Xayaat oo ku yaalla labaduba magaalada.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa xaafadaha Ammaanka iyo Kowda Luuliyo oo waxaa la arkayay dad rayid ah oo magaalada ka qaxaya sidda ay soo sheegayaan wariyaasha ku sugan gobalka Galgaduud.

Dagaalka maanta ka qarxay degmada Caabud-waaq ee gobalka Galgaduud ayaa salka ku haya anooyin qabiil oo horrey uga dhacay degmadaas oo waxaa ugu dambeeyay nin ganacsade caan ka ah degmada oo dhawaan halkaas lagu dilay.

Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaallamaya Caabud-waaq ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaallada.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore u dirtay wafdi kala dhex gala labada dhinac balse ilaa hadda ma jirto xal loo helay dagaalka ka dhexeeya labada maleeshiyo beeleed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com