Xog: Shirar looga tashanayo riditaanka Xasan Sheikh oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online)- War goor dhow naga soo gaaray Hoteelada City Palze iyo Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in maanta ay Hoteladaasi mashquul yihiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacayaan shirar kala duwan oo la sheegay in looga soo horjeedo Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh oo iyadu itaalka usii deyrinaayo.

Hoteelada ayaa waxaa la filayaa inay ku kulmi doonaan Mas’uuliyiin isugu jiro Xildhiaano, Odayaal iyo Siyaasiyiin iyagu lid ku ah Dowladda Xasan, kuwaasi oo kala aaminsan Fakiro kala duwan haba ugu badnaaden kuwa kasoo horjeeda Gudiyada ay dowladu magacawday iyo kuwo aan jecleysan qaabka Dowlada Xasan ay ku socto.

Kulamada Hoteelada ka qabsoomi doono, ayaa waxa ay kusoo beegmayaan Xilli Xasan Sheekh uu mucaarado xooggan kala kulmay Siyaasadaha daxaleystay ee Xukuumadiisi heysta, inkastoo uu iminka talada dalka gacanta u galiyay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh, kadib weeraradii lagu qaaday Villa Somalia iyo Xarunta Baarlamaanka.

Lama Oga qodobada iyo go’aanada kasoo bixi doono shirarkaasi, wallow wararku ay tibaaxayaan in shirka ay ka qeybqaadan doonaan shaqsiyaad uu Xasan Sheekh usoo diray wada-xaajoodka Mas’uuliyiintaasi kasoo horjeeda.

Xildhibaaanada qaar ayaa isku dayaya inay mooshin ka gudbiyaan madaxweynaha, waxaana ku jira xildhibaanno u dhashay beelaha Hawiye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com