Reer galbeedka oo dhicitaanka Xasan u adeegsanaya qaswadayasha Somalia

Jabuuti (Caasimada Online) – Ilo diplumaasiyiin ah oo ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Dowladaha reer Galbeedka ay dhicitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsanayaan Siyaasiyiinta Qaswadayaasha ee kusoo biiray DFS.

Ilo-wareedyadan, ayaa xaqiijiyay in Qaswadayaasha lagu wado in loo kala magacaabo Safaaradaha Somalia ee Caalamka, ay wadaan Siyaasado ay isaga horgeynayaan Madaxda Dowladda iyo Reer galbeedka, waxaana la rumeysan yahay in Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Canada ay Dowlada Federaalka ku cadaadinayaan in shaqsiyaadkaasi loo meel-mariyo.

Siyaasiyiinta dhicitaanka dowlada Xassan loo adeegsanaayo ayaa waxaa ugu waaweyn Cali Maxamed Geedi oo loo magacaabi doono safiirka Britain iyo Prof Gaandi oo isaguna loo wado Canada.

Magacaabista shaqsiyaadkaasi ayaa noqon doonto dhicitaanka Xasan Sheekh oo xiligaani ay Siyaasadiisu ka gadmi la’dahay Caalamka.

Xog kale, ayaa sheegeysa in Diplumaasiyiin Reer galbeed ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, ay halkaasi ku qorsheynayaan soo afjarida Dowlada Xasan Sheekh, waxaana ka qeybqaadanaayo dhicitaanka Xasan Sheekh Dowlado ay kamid yihiin Jabuuti iyo Kenya.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socdo abaabulka ugu badan ee lagu tuurayo Xasan Sheekh, waxaana halkaasi iminka ku sugan Siyaasiyiin iyo ganacsato hantiilayaal ah oo iyagu lid ku ah Siyaasadda Xassan.

Dhanka kale, Xogtu waxa ay tilmaameysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geeli uu Xasan Sheekh kusoo wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin mowjado Siyaasadeed oo ay hor boodayaan Siyaasiyiin iyo Ganacsato, wallow xogtu ay sheegeyso inaan loo carabaabin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com