Xildhibaan la degenaa SAADO CALI oo xog cusub ka bixiyay qaabkii loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha baarlamaanka isla markaana ay wada-daganaayeen fannaanada weyn ee Saado Cali Warsame ayaa ka warbixiyay qaabka uu u dhacay dilka marxuumada.

Wuxuu sheegay in allaha u naxariistee Saado Cali lagu dilay banaanka hore Hotel Ambassador oo ay daganeed isagoona intaas ku daray in lala dilay darawalkeeda.

Wuxuu sheegay in rag watay baabuur oo sitay hub culus ay marka ay isku soo simeen gaariga ay la socotay xildhibaannada ay rasaas xooggan ugu shubeen xabadka halkaasna ay ku dhinteen iyada iyo darwalkii u waday gaariga.

Xildhibaan ay wadaganaayeen Saado Cali Warsame oo xog cusub ka bixiyay qaabka loo dilay
Xildhibaan ay wadaganaayeen Saado Cali Warsame oo xog cusub ka bixiyay qaabka loo dilay

Xildhibaanka ayaa sheegay ragga weerarka geestay ay wateen baabuur muraayado madow oo markii ay dileen ay isla markii goobta ka baxsadeen.

Wuxuu sheegay oo kale in goobta uu dilka ka dhacay ay ahayd halboolaha magaalada oo dhinac kasta ciidamo ayaa ka joogay ayuu yiri mana jirto cid soo qabatay kooxda dilka geestay.

Waxaa la weydiiyay xildhibaanka maadama ay hal Hotel wada-daganaayeen marxuumad Saado oo maanta lagu dilay Muqdisho in ay jireen cabsi ama hanjabaad loo jeediyay, wuxuu sheegay in Saado Cali ay muddooyinkan dalka ka maqneed maadama ay iska xanuunsaneed, marka ma u maleenaayo wax digniino ah oo loo jeediyay, ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Jaamac.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dilka xildhibaannad Saado in uu qeyb ka yahay xildhibaanno kale oo Muqdisho lagu dilay kaasoo looga gun lee yahay in Muqdisho laga dhigo meel bahalo galeen ah oo laga cararo.

Wuxuu tilmaamay in dhaliisha ugu weyn ay saaran tahay xukuumadda oo marar badan ay u sheegeen in ay wax ka qabato ammaanka xildhibaannada oo bartilmaameed noqday.

Waa xildhibaankii afaraad oo muddo ka yer labo bil lagu dilo magaalada Muqdisho, waxaana dad badan ay is weydiinayaan haddii xitaa ammaanka wax laga badalay sababta keentay in mas’uuliyiinta dowladda loogu dilo goobo muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com