Dhageyso: Galmudug oo si rasmi ah uga hadashay qorshaha muddo kororsiga

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ee Soomaaliya ayaa baarlamaanka horgeeyey sharciga xisbiyada iyo guddiga doorashada, talaabadaasi oo maamulku uu ku sheegay inay ahayd arrin muhiim u ah Galmudug oo dhan.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel oo u warramay VOA ayaa waxa laga waydiiyey in sharciga la horgeeyey baaramanka laga damacsan yahay muddo kordhin loo sameenayo xukuumadda iyo madaxweynaha.

Wasiir Waayeel ayaa si cad u sheegay in Galmudug ay qorsheeneyso muddo kordhin ay sameysato iyagoo ku dayanaya maamul goboleedyada kale ee dalka.

“Waa dhici kartaa in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo madaxweynaha, maadaama maamul goboleedyada HirShabele, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland uu muddo xileedkooda yahay min 5 sano,” ayuu yiri wasiir Cabdi.

Wasiirka ayaa sheegay in codsiga muddo kodhinta uu ka iman karo dhanka xukuumadda ama baarlamanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax diidi karo malahan muddo kordhinta haddii ay ka timaado xukuumadda iyo baarlamaanka, balse sharciga aan hadda gudbinay iyo muddo kordhinta wax is quseeyo oo isugu talagalay maahan,” ayuu sii raaciyefy hadalkiisa.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu doonayo inuu sameysto muddo kordhin maadaama ay saaxiibadii jidkaas mareyn.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ka socdo Dhuusamareeb ayaa ku soo aadayo, xilli haatan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha soo koddhay.

Hoos ka dhageyso wareysiga