Dhageyso: Gelle oo weerar ku qaaday Somaliland iyo Puntland + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaacil Cumar Geelle ayaa weerar ku qaaday maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaalamaaya Gobolka Sool.

Madaxweyne Geelle, waxa uu sheegay in labada maamul ay sii kordhinayaan dhiiga Soomaalida ee daadanaaya, waxa uuna meesha ka saaray in dagaalkaasi uu yahay mid mirro dhal leh.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Somalia ay iminka qabtay rajo ay kaga gudbeyso burburka iyo colaadaha daba dheeraaday, hase ahaatee ay abtalo ka dhex jirto labada maamul oo xiligaani dagaalamaaya.

‘’Waa kuwa iyaga is diriraaya waxa ay aheyd inay u diriran Qaran iyaga ayaa isku jeestay waxaa wanaagsaneyd inay ka heshiiyan’’

Madaxweyne Geelle, waxa uu soo hadalqaday dhismaha ku socda ciidamada Somalia, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Soomaalida ay intooda badan heleen tababaro iyo daryeel ku filan balse la doonaayo in loo dhameystiro inta u harsan.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha bixiya musharaadka ciidanka ay ku goodiyan inay jaranayaan, hase ahaatee waxa uu cadeeyay in ciidamada Somalia ay u harsan tahay keliya muddo kooban oo u baahan dulqaad, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somalia lasiiyo tababarada loo baahnaa, keliya waxa ka maqana ay tahay in loo helo xiryo ku filan ciidanka.

Xerooyinka qaar ayuu sheegay inay heystaan ciidamada AMISOM, isla markaana loo baahan yahay in ciidamada Somalia loo helo dhaqaale ay ku dhistaan xerooyinka.

HOOS KA DHAGEYSO HADALKA ISMAACIL GEELE