Dhageyso: Puntland oo 3 shuruud ku xirtay joojinta dagaalka kala dhexeeya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uusan joojin doonin dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Camey ayaa sheegay in Puntland aysan ka waaban doonin dagaalka ay kula jirto Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay la socdaan waanwaanta ay wado Somaliland taa oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, hase ahaatee waxa uu taa ku sheegay mid aan habayaraatee hirgali doonin.

Camey, waxa uu tilmaamay in waanwaanta ay hirgali doonto goorta ay Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Puntland ay wadato shuruud uu ku joogsan karo dagaalka kuwaa oo kala ah:-

1-In Somaliland ay ciidamadeeda ka saarto deegaanka Tukaraq.

2-In ciidamada Somaliland dib loogu celsho halkii ay Bishii October 2007 kasoo qaaday duulaanka.

3-In ciidamada Somaliland ay ka fogaadan deegaanada Oog ilaa libida gaatama oo ay hadda heystaan ciidamada.

Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, ayaa sheegay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin Soomaali-diid, sidaa aawgeed aysan u turi doonin.

Haddalka Camey, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii shidaayo colaada ka dhex oogan maamulka Puntland iyo Somaliland oo isku haya Gobolka Sool.

HOOS KA DHAGEYSO SHURUUDAHA AY PUNTLAND KU JOOJINEYSO DAGAALKA