Kenya oo garoomadeeda ka mamnuucday shirkado badan oo Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday in dalkeeda ay ka mamnuucday shirkado Diyaradeed oo dhawaan lagala noqday ruqsadihii ay kaga shaqeyn jirtay gudaha dalka Kenya.

Hay’adda duulimaadyada Kenya ayaa sheegtay in diyaaradahaasi ay mamnuuc ka yihiin inay kasoo dagaal Garoomada Kenya ilaa iyo amar danbo.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha laga mamnuucay Garoomada Kenya ay ku jiraan 9 shirkadood oo ka howlgala Somalia.

Shirkadaha ka howlgala Somalia ee diyaaradahooda laga mamnuucay Garoomada Kenya ayaa kala ah:-

1-Freedom airlines express.

2-Blue sky aviation.

3-Safari express cargo ltd.

4-Flex air charters.

5-Transafrican air limited.

6-Rudufu limited.

7-East african air charters.

8-Skyward express.

9-SAC(K) limited

Sidoo kale, waxaa jira shirkado kale oo laga mamnuucay Garoomada Kenya kuwaa oo wadarta guud ay tahay 41 shirkadood oo ay ku jiraan shirkadaha ka howlgala Somalia.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay in shirkadahaani laga mamnuuco Garoomada Kenya, inkastoo loo badinaayo inaysan bixin lacagta ruqsada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com