Dhageyso: Guudlaawe oo shaaciyey guulo laga gaaray howgallada HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle oo hoggaaminaya howlgalka gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee la qaaday iyo xubno Shabaab ah oo nolosha lagu qabtay.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe laga xoreeyey kooxda.

Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in deegaanadii lagu weeraray Al-Shabaab aysan ciidanku kala kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ay nolosha ku qabteen xubno la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Waxaa jira argagixiso howlgalka Sh/Dhexe lagu qabtay, gaar ahaan aagga Xawaadley, ilaa 70 qof ayaa la qabtay, qaar weli baaritaan ayaa ku socda, qaarna waa ku cadaatay inay ka tirsan yihiin argagixisada,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maadxweynaha HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray in baaritaan deg deg ah la marsii doono xubnaha gacanta lagu hayo, “Dad lambar weyn ah ayaa la hayaa, waana la kala saarayaa, wixii Shaabaab noqda iyo wixii shacab ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in HirShabeelle howlgallada ka socda ay u socdaan hanaan saf balaaran ah, isla markaana dhawaan lasoo af-jari doono Al-Shabaab.

“Xaqiiq waxaa ah in HirShabeelle aysan Al-Shabaab sii dhex joogi doonin, bulshada waxaan ugu baaqaa in laga fogaado goobaha ay joogaan nimankaas, sidoo kale waxaan ugu baaqaa in ciidanka ay soo siiyaan xogta iyo meelaha ay ku dhuumanayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Guudlaawe.

Hoos ka dhageyso wareysiga