Dhageyso: “Jeneral Gabre waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad caalami ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyey in xilkii uu Ururkaas ka haayey ay ka qaadeen Janeraal Gabre oo u qaabilsnaa Soomaliya dhanka la talinta Siyaasada, waxaana durba soo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa waa uu sheegay in Go’aanka xilka qaadista ah ee Gabre lala soodahay, isla markaana mar hore loo baahnaa.

Waxa uu sheegay in Gabre uu ahaa Nin dhibateeyey dad Soomaaliyeed, isaga oo xiriir la lahaa Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada.

“Runtii mar hore ayay aheyd in la eryo, anaga 8-dii bishii Febraayo ayaan erinay, laakin dad uu u taliyo ayuu heystay isaga oo madaxweyne isku hesytay, wuxuu xukumayey laga soo billaabo :owya-cade, marka IGAD wey la daahday, laakin waxaan kuu sheegayaa in aan loo dhaafi doonin wixii dil iyo hanti bur burin ka dhacay Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay xildhibaan Zakariye in dhibaatadaas uu shacabka Soomaaliyeed u geystay Janeraal Gabre in ay noqon doonto mid aan looga hari doonin,isla markaana uu rajeynayo in la soo taago Maxkamada Caalami ah, waxa uuna sheegay in uu sabab u ahaa in Boqolaal Ruux lagu dilo dalka,dad badana uu barakaciyo.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u neceb dowladda Itoobiya, waxana la xasuustaa in xilligii doorashada Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo uu si dadban u sheegay in ay goobta fadhiyaan madax aan dooneyn Nabada Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com