DHAGEYSO: Jubbaland iyo Puntland oo si hoose uga hadlaya QORSHE ka dhan ah DF Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa si adag kaga hadlay khilaafka ka taagan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo wali aan la xalin iyo khilaafka cusub ee ka taagan gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay in maamulkooda iyo maamulka Puntland ay ka tashan doonaan sidii ay kaga bixi lahaayeen dowlada dhexe ee dalka gaar ahaan nidaamka federaalka haddii khilaafka aan la dhameyn.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay ineysan dhankooda ka hor imaan doonin waddo kasta oo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay mooshinkii laga geeyay baarlamaanka Jubbaland.

Jubbaland ayaa si weyn kaga carootay kadib markii sharci daro lagu tilmaamay dhismaha baarlamaanka Jubba, kadib markii codka kalsoonida ay ku waayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ live.com