Wargeysyada Kenya oo qoray FADEEXAD kusoo baxday ciidamada Kenya oo xadka Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa hadal hayo musuq-maasuq lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada dalka Kenya.

Wargeysyada ayaa qoray in Musuq-maasuq lagu qabtay tiro Saraakiil la degtay Sonkor laga soo raray Dekada Magaalada Kismaayo taasi oo loo waday Magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa gaadiidka waday Sonkorta kala degay 370 loor oo Sonkor ah xili ay gaadiidkaasi marayeen koontoroolka weyn ee ku yaala xadka kala beyra Kenya iyo Somalia.

Ciidamada ayaa Sonkortaasi ku keydsaday Saldhiga weyn ee Milliteriga Mandera, waxaana la sheegayaa inay u iibgeynayaan suuqyada Mandera, si ay uga macaashan.

Wargeysyada ayaa sidoo kale sheegay in falkaasi loo xirxiray Sarakiil ka tirsan Ciidamada xadka kuwaasi oo lagu eedeeyay inay horboodayeen Musuq-maasuqa.

Aadan Guure oo kamid ah gudiga la dagaalanka badeecada Kontorobaanka,ayaa sheegay inay doonayeen inay shixnadda sonkorta Kontorobaanka nacfi-beel ka dhigaan, balse ay Ciiddanka jooga Saldhiga u diideen inay arkaan halka la dhigay Sonkortii Kontorobaanka.

David Obonyo oo ah Afhayeenka Ciiddanka Kenya, ayaa sheegay inaysan Ciiddanka mas’uul ka ahayn alaabta Kontorobaanka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in Boliska lagala xiriiriyo arrintaasi, bacdamaa uu yiri ay sii kororta musuq-maasuqa lagu hayo Badeecada kasoo degta Dekada Kismaayo.

Dhanka kale, David Wangai oo isna ka tirsa Saraakiisha Dembi-baaritsa ee Mandera ayaa sheegay in ay Shixnad ka kooban 200 oo loor Sonkor ah la qabtay bartamihii bishan, halka 170 kalena la qabtay Jimcihii la soo dhaafay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shixnadaha Sonkorta ee ay qabteen la dhigay Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Mandera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com