Xog: Dagaal ka dhex oogan Maareeye & Tuuryare

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay xubin ka tirsan Xafiiska Wasiirka warfaafinta DF Somalia, ayaa sheegaya in xurguf hoose iyo dagaal siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareye iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/raxmaan Tuuryare.

Xurgufta ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay kadib markii Hay’adda Nabadsugida ay ogaansho la’aan u xirtay Suxufiyiin iyo Idaacado dhowr ah, taasi oo keentay isku dhaca.

C/raxmaan Tuuryare ayaa siyaabo kala duwan Ciidamada Nabadsugida ugu amray inay albaabada u xiraan Idaacado islamarkaana ay xabsiga dhigaan Weriyayaal ka howlgala idaacadahaasi, taasi oo aan fasax ama ogolaansho looga heysan Wasiirka warfaafinta.

Wasaarada Warfaafinta ayaa Mas’uuliyad ka saarantaha la socodka Idaacadaha iyo Weriyayaasha waxa uuna Tuuryare faragalin ku sameeyay howlaha Wasiirka taasi sababta ugu weyn noqotay, kadib markii Wasiirka uu ka carooday arrintaasi.

Maareeye ayaa ku doodaayo in mudnaanta koowaad ay aheyd in lala soo sameeyo xiriir si loola socodsiiyo shaqooyinka lagu xirxiraayo Idaacadaha iyo Weriyayaasha ka howlgala Muqdisho.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa kawada siman shaqooyinka isku dhex yaacsan ee mas’uul waliba uu ku dhiiranaayo inuu faraha la galo shaqo aan khuseyn xilka uu ku magacaaban yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com