Muqdisho (Caasimada Online) Dr: Ciise Maxamuud Xalane, wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed, warbaahinta ayuu uga warbixiyay qilaafka madaxda sare ee dalka iyo nidaamka iminka u degsan Dowladnimada Somalia.
Dr: ciise ayaa sheegay in khilaafka iminka jira uusan u dhexeyn Maxameyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid balse uu yahay mid soo jireen ah, waxaana uu ku micneeyay habka dowladnimada Somalia ay ku dhisan tahay.
“Laga soo bilaabo 1960-kii ilaa iminka ma helin nidaam qaab wanaagsan u kala haga Somalia inkastoo wada mada Africa caalamka iyo Somaliduba ay aamin san yihiin in dowlada wanaasagsan la helay hadana xaqiiqda ayaa ah qaabka ay dowladaha Somalia u dhisnaayeen walina ay u dhisan tahay mid aan caalamaka ka jirin” ayuu yiri Aqoon yahan Dr: Ciise
Sidoo kale marka laga soo gudbo nidaamka ayuu sheegay in waxa dowladnimada Somalia ay ka hana qaadi la’dahay inay tahay qabiilka oo ku micneeyay midka hoos ina geeyay walina dhibkuu ima gaarsiiyay bari hore aan ka kabsan la’nahay .
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid ayaa kadib mudo sanad ah oo ay soo wada shaqeeyeen waxa iminka ka aloolsan khilaaf aan la ogeen rasmi ahaan halka uu salka ku hayo .
Qaar ka kid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka , waxaana ra’isul wasaare Saacid uu sheegay in khliaafku uu yahay id dastuuri ah inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh uusan wali ka hadlin hadana gudoonka sare baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay in xalka ugu dambeeya ay arintan iyaga ka gaari doonaan .
Halkaan Hoose ka dhageyso Aqoon yahan Dr Ciise Maxamuud
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

