Dhageyso: Maamulka HirShabeelle oo shaaciyey mowqifkiisa shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo magaalada Kismaayo ee Maamulka KMG ah Jubba Land maalinta berito ah ka furmaya shirka xal u helida xasaradaha ka taagan maamul goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ayaa maamulka Hirshabeelle wuxuu shaaciyay inuu ka qeyb galayo.

Maxamed Shiino oo ah afhayeenka maamulkaasi oo la hadlay  Warbaahinta, ayaa sheegay in wafdi horudhac u ah madaxweynaha maamulkaasi ay gaareen Kismaayo, saacadaha soo aadanna uu Madaxweyne Waare tagi doono Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha Hirshabelle uu diyaar u yahay inuu joogo gogol walbo oo xal loogu raadinayo xaaladda Soomaaaliya.

Maamulka Hirshabelle ayuu sheegay inaanu wadan ajende u gaar ah, balse ay tixgelinayaan gogosha uu dhigay madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana ay ka hadli doonaan wax walbo oo miiska wadahadalka lasoo saaro.

Kismaayo waxaa hadda ku sugan madaxweynaha maamulka K/glabeed, waxaana la filayaa iney tagaan madaxda kale ee maamul goboleedyada.