28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

DHAGEYSO: Madaxda DF oo gobollo ka mid ah dalka laga mamnuucay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuuso-Mareeb (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kulan wada tashi ah oo ka yeesheen Maamulka dowlada federaalka ay u soo magacaabeen gobolada ay ka arimiyaan ka warbixiyay Maanta.

Saxaafada gobolka ayaa banaan joog ka aheyd kulankaas oo soconayay mudo 5 maalin ah, iyadoo uu faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay madaxa garsoorka Culimaa u diinta Ahlusuna Sheekh Siciid Sheekh Muxumad.

Sida uu sheegay Sheekh Siciid Shekh Muxumad, maanta ayaa la filayaa in ay yimadaan gudoomiya yaasha talada iyo fulinta iyagoo digniin ugu diray in aanay soo raaci karin cid ka socota dowlada dhexe ee Soomaaliya, oo sida uu sheegay laga mamnuucay halkaas, maadaama uu shirkoodu yahay mid u dhexeeya madaxda Culimada Ahlusuna.

Culimada Ahlusuna Waljamaaca ayaa horay u sheegay in aysan soo dhaweyneyn nin aan ka mid aheyn gobolka oo ay dowlada federaalka u soo magacowdo gudoomiyaha gobolka Galgaduud, iyadoona lagu wado in dhowaan uu gudoomiyaha dowladu u magacawday uu soo gaaro gobolka taasina ay tahay tan guuxa ka soo yeersiisay masuuliyiinta iyo madaxda Ahlusuna waljamaaca.

Idaaacadda SBC ee ayaa ka diyaariyay warbixin faah faahsan Dhageyso

cubayd-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News