24.9 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

Dhageyso: Wafdi ka socday DF oo ka bad baday shil diyaaradeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Guddoomiyaha cusub ee dhawaan dowlada Soomaaliya u magacowday Gobolka Galgaduud Wafdi heer sare ah uu hogaaminayo, ayaa maanta ka degtay Degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo0 si weyn loogu soo dhaweeyay.

Inkastoo Wafdiga ay si nabadah ku gaareen Guriceel hadana waxay ka bad baadeen Shil halis ah Kadib markii ay la qalibantay Diyaaradii ay saarnaayeen wafdiga taas oo ay ku adkaatay inay si hagaagsan ku dagato markii ay gaartay Garoonka Guriceel.

Diyaawarada waxaa la sheegayinay lugi ka qaraxday taas oo cabsi kusoo abuurtay wafdiga waxaana C/risaaq Qaliif Cilmi oo qeyb ka ahaa xubnihii la socday Gudoomiyaha uu sheegayn Shilkaas uu ka shashay Dhaawaca wiil dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa rakaabkii Diyaarada hayeeshee wax saas loo sii buun buniya aysan jirin sida uu sheegay.

Halkaan ka dhageyso WAFDIGII badbaaday Maanta

Xuseen Cali WehliyeCirfo, iyo Wafdigiisa, ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Waxaana soo dhaweyntaas qeyb ka ahaa xumbo ka tirsan ururka ahlu sunna iyo dowlada Soomaaliya iyadoona amniga goobta soo dhaweyntaasi ay ka dhacday ay adkeynayeen ciidamada amniga ee ururla ahlu sunna.

Markii uu gaaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgadiid , ayuu halkaasi kula hadlay guud ahaan dadkii soo dhaweeyay iyadoo garbihiia  ay ka muuqanayeen mas’uuliyiin ahlu sunna ka tirsan oo dhankooda soo dhaweynta qeyb ka ahaa .

Arintan ayaa waxay timid xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan ururkaas oo uu ka mid yahay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ay sheegeen inay maamulkaas kala hortagaan dagaal hadii uu isku dayoinuu ka howl galo gobolka.

Waxay arintaasi u sababeeyeen inaysan ka war haeyn isla markaana dowlada aysan kala tashan magacaabis tiisa inta badan gobolkana ay iyaga maamulaan sidaasi darteedna aysn ogolaan karin in gobolka loo dhiibo shaqsi ay sheegen iansyan ka war heyn.

Si kasto ha ahaayee waxaa muuanayaa in mawqifkoodii ay waxiska badaleen mar hadii  ay soo dhaweeni dhacday inkastoo aan si rasmi ah loo ogeen waxa arintan keenay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News