Dhageyso: Madaxweyne cusub oo lagu doortay Dhuusomareeb + Ahlu-Sunna & Galmudug oo…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu qabtay doorasho aan sidaasi u weyneyn oo lagu doortay madaxweyne cusub.

C/laahi Cabdi Dhoodi, oo kamid ah siyaasiyiinta gobolada dhexe in badanna la shaqeeyay maamulada Ahlu sunna ayaa maanta ku dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Dhoodi oo wareysi Siiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in odayaal ka kala yimid Mudug iyo Galgaduud ay ku doorteen magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan xaafada Horseed.

Wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono dowlada federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu wadahadal la gali doono maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna ee gobolada dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka dhageyso Codkiisa