Gaadiidkii dagaalka ee dhawaan lagu wareejiyay Jubaland oo durba qaab khaldan loo adeegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo aan ka heleyno magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in gaadiidkii dagaalka ee dhawaan maamulkaasi lagu wareejiyay qaar kamid ah loo adeegsaday wado qaldan.

Gaadiidkaasi oo tiro ahaan la sheegay inay ahaayen 17-gaari, ayaa qaar kamid ah la sheegayaa in Hogaamiyaha Maamulkaasi Axmed Madoobe uu ku wareejiyay Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Maamulka.

Gaadiidkaasi ayaa la sheegay in la buufiyay islamarkaana lagu howlgaliyay Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo kuwa Hogaamiyaha Maamulkaasi, iyadoona u jeedku ahaa in gaadiidkaasi loo qeybiyo kaliya Ciidamada Isku dhafka ee iminka tababarka uga socdo xerooyin ku yaalla duleedka Kismaayo.

Gaadiidkaasi ayaa waxa ay Dowlada Mareykanka ugu deeqday Dowlada Somalia si loogu howlgaliyo Ciidamada la mideynaayo, balse nasiib darro ay muuqaneyso in wadooyin khaldan loo adeegsanaayo.

Gaadiidkaasi ayaa markii la geeyay Magaalada Kismaayo waxaa lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in qaranka Soomaaliyeed ay ugu adeegi doonaan islamarkaana ay ku howlgalin doonaan Ciidamada loo diyaariyay Barnaamijka Isku dhafka.

DF Somalia ayaa dhowr jeer sheegtay in agabka loogu deeqo Ciidamada Dowlada xiliyada qaar aysan gaarin, sababtuna ay tahay tiro koobka Ciidamada u diiwaan gishan wasaarada gaashandhiga iyo kuwa shaqeynaaya oo aan isku miisaaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com