Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo si xikmadeysan ula hadlay Somaliland, arrimo kalena shaaca ka qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu kaga hadlayo socdaalkiisa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub siiyay idaacadda BBC-da, isaga oo qeybta dambe ee wareysigaasna si xikmadeysan oo cajiib ah uga hadlay arrinta Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen wax uu ugu yeeray ‘waayaha cusub’ ee Soomaaliya ay gashay iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inay aad isku af garteen, isla markaana Midowga Yusub uu diyaar u yahay in dowladdiisa ay ka taageeraan dhinacyo fara badan, sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Waxa uu sheegay in la dejinayo qorshooyin badan oo la xiriira tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxa ay u baahan tahay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ay tahay mid maslaxad ugu jirto dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanay jiri doonin cid la qasbayo ama dhibaato loo geysanayo, oo ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto midnimada umadda Soomaaliyeed.

Kulanka Brussels

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay is gacan qaadayaan Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay guddoomiyaha Guddiga Yurub Jose Manuel Barroso, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.

Masuuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan u siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horumar wanaagsan sameysay labadii sano ee u dambeeyay.

Kulanka kadib waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Catherine Ashton oo wakiilka sare ee Golaha Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Golaha Yurub Herman Van Rompuy

Baroness Catherine Ashton, waxa ay sheegtay in ay wax wanaagsan tahay waaga cusub ee Soomaaliya u bilowday. Waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu gacan ka geystay aasaaska horumarka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay qabanqaabinayaan shir Soomaaliya ku saabsan oo ka dhici doona Brussels, kaasi oo ay sheegtay inuu la soo bixi doono qorshe cusub oo Soomaaliya lagu siinayo taageero siyaasadeed, ammaan iyo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay taagan tahay halkii ay Yurub taagenyd sanadkii 1945, oo wax walba burbureen ayna u baahan yihiin taageerada beesha caalamka, gaar ahaan midda Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku yimid magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu ka helay Midowga Yurub sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Xasan ee BBC