Xalay habeen wanaagsan uma ahayn Soomaalida Koonfur Africa

Eastern Cape (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dukaamo dad Soomaali ay lee yihiin lagu boobay magaalada Eastern Cape, kaddib markii ay dhaceen madowga dalkaas.

Soomaalida la dhacay ayaa sheegay in saakay ilaa xaley in la dhacay illaa ku dhawaad 20-dukaan oo ay lee yihiin dad Soomaali ah.

Qaar kood markii la dhacay ayaa la sheegay in dab la qabadsiiyay, waxana la sheegayaa in goobta ay ku dhawaayeen, isla markaana aysan waxbo ka qaban .

“Boobka xaley ayuu billowday 9-kii habeenimo illaa saaka waa socday, cidna goobta uma soo gurman oo ah booliska, waxana meeshaaas lagu boobay in ka badan 17-dukaan oo ay lee yihiin dad Soomaali ah” sidaas waxaa yiri wariye ka tirsan Somali Chanel oo goobtay gaaray.

Arrintan ma ahan wax ku cusub dalka Koonfur Africa, horrey ayaa goobo ganacsiyo ah oo lee yihiin Soomaalida ku nol dalkaas la dhacay ama dab la qabadsiiyay.

Ma jirto illaa hadda wax dowladda Koonfur Africa ay ka qabatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalkeeda.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo shaley madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo magacaabay safiir cusub oo dalkiisa u fadhin doona Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay taabaneyso dadka u dhashay koonfur Afrika.

Wuxuu xusay in ay Soomaalida ku taageeri doonaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, una soo ceshan lahaayeen xasiloonidiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi