Nuxurka hadal Madaxweyne Xasan uu u jeediyay baarlamaanka Yurub

Brussels (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee waddanka Belgium, ayaa khudbad u jeediyay baarlamaanka midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa khudbada maanta oo Khamiis ah uu ka jeediyay waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbadalka iyo horrumarka ka dhashay Soomaaliya.

Ugu horreen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay muddadii ay jirtay dowladiisa in ay qabatay wax badan ay ka mid tyahay siddii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya adduunyada inteeda kale.

Wuxuu sheegay in wadashaqeen fiican uu ka dhexeeyo baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka midowga Yurub.

“Waxaa la joogaa xilligii gabagabada ahaa ee miisaaniyadii Midowga Yurub ay ugu talogaleen Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadkii 2008 kuna eg sanadkan 2013, waxaana ku wargeliyay in sannakan wax laga bedelo habkii hore ee Soomaaliya loo caawin jiray, waxaana ka hadalnay qaabeyntii habkii lagu caawin lahaa Soomaaliya wixii ka dambeeya sannadka 2014,” ayuu yiri madaxweynne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Yurub laga rabo siddii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya oo hadda si tartiib cagaheeda isugu taageyso.

Madaxweynaha waxa wafdiga la socda ka mid ah ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda, wasiiru dowlaha madaxtooyada Qaranka, ku xigeenka labaad ee guddoomiyaha baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso iyo Catherine Ashton.

Mrs. Ashton ayaa shirkaas ka sheegtay in Midowga Yurub uu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed 20-kii sano ee la soo dhaafay, uuna garab istaagi doono mustaqbalka.

Waxay intaas raacisay inay wadaan qabanqaabada shirweyne dhowaan lagu qaban doono Brussels oo taageero siyaasadeed, mid amni iyo mid horumarineed loogu raadinayo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels