Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sh: DF ayaa Somaliland ka saartay Taleex

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay kaalin ku lahayd in ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan degmada Taleex, oo ay qabsadeen bishii tagtay.

Madaxweynaha ayaa Sheegay inuu la hadlay Maamulada labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Puntland, si ay Ciiidamada Somaliland dib ugu baxaan Degmada Taleex.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalkii Taleex uu ahaa md ay ka xumaayeen, islamarkaana ay ka bixiyeen Jawaabtii ugu habooneyd.

Hadalkaan ayuu shalay ka jeediyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya,xilli wariyaasha su’aalo ay weydiinayeen.

Bartamaha bishii hore ee April ayay ahayd markii Ciidamada Maamulka Somaliland ay Gudahaha u galeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Halkan ka dhageyso madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com