AXMED MADOOBE oo qunsulka Kenya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Kisamayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad lagus oo dhaweenaayo qunsul ku sheega ay Kenya u soo magacowday toddobaadkan magaalada Kismaayo.

Xafladda oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa guddoomay warqadaha aqoonsiga qunsulka dowladda Kenya u soo magacowday Kismaaya oo lagu magacaabo Hillary kyengo.

Mar uu ka hadlaayay Axmed Madoobe qunsulka la soo magacaabay iyo howsha uu qaban doono wuxuu yiri “Hillary kyengo wuxuu xoojin doonaa xiriirka u dhexeeya maamulkeena iyo dowladda Kenya.”

Wuxuu sheegay in qunsulka cusub uu dhawaan xafiiska ka furan doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shaley la weydiiyay in uu ka hadlo qunsulka Kenya u soo magacowday Kismaayo ayaa sheegay in ilaa hadda aysan ogeyn qunsul la soo magacaabay kaliya ay ogyihiin safiirka Kenya u soo magacowday Soomaaliya isagoona intaas ku daray in ay wadaan baaritaan arrintaas ku aadan.

Madaxweynaha wuxuu kaloo xusay in xiriirka Kenya iyo Somalia uu wanaagsan yahay, isagoona intaas ku daray in dowladda Kenya ay ka sugayaan jawaab ku aadan qunsulka Soomaaliya ee dhawaan lagu xiray Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kisamayo

Caasimada@live.com