Dhageyso: Malaaq Cali Malaaq Showri “Waxaan u sheegayaa Xasan Sh. inuu soo xiro Muungaab”

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaqii hore ee Xamar iyo Xamar Daye, Maqaal Cali Malaaq Showri ayaa si kulul uga hadlay dagaalada maalmahan ka dhacayay tuulooyin ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe, isagoo ku eedeeyay inay dagaalada beeleed iyo dadkii la laayay uu ka dambeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Malaaqa wuxuu sheegay in ay caddahay lugta uu Muungaab ku lahaa dagaalada Warsheekh, isagoo intaas ku daray in Xuseen Dheere nin la yiraahdo oo ka mida la-taliyeyaasha Xasan Muungaab uu dagaalada hogaaminayay, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in cadaaladda la hor keeno Xasan Muungaab, isagoo xaqdarro ku tilmaamay in la xirxiro ganacsato iyo waxgarad ka tirsan beesha Mataan Cabdulle.

Cali Malaaq Showri wuxuu bogaadin u jeediyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaabe oo uu sheegay inuu kala dhex galay beelaha walaalaha ah ee dagaalamayay, isla markaana uu xirxiray xubno dagaalada waday.

Dhageyso codka Malaaq Cali Malaaq Showri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com