“PUNTLAND waa maamul federaal KMG ah, weli ma ahan mid rasmi ah” Waxaa yiri xildhibaan…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanadda Baarlamaanka ee dawlada Federalka oo marti ku ahaa barnaamijka Xog ogaal ee TV ga Royal ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul KMG ah welina aysan buuxin shuruudii maamul goboleed-nimo.

“Dalka wax maamul goboleed ah oo la aqoonsan yahay kama jiraan, kuwii hore u dhismay ha ahaadeen ama kuwa hada dhismaya ha noqdaane waxaa jira maamulo KMG ah aqoonsigooduna ku xiran yahay baarlamaanka Soomaaliya”, ayuu yiri xildhibaankaan oo la hadlaya TV.

Xildhibaanka ayaa sheegaya in inta laga garao doorashooyin rasmi ah iyo dastuur aan qabyo ahayn oo dhameystiran ay dhammaan maamul goboleedyada yihiin kuwa ku meel gaar ah.

Waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada oo ay Puntland ku jirto ay sharci noqon karaan oo kaliya wixii markaas ka dambeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com