Sawirro: YEMEN oo soo bandhigtay magacyada & meydadka Somali u dagaalameysay Suniyiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amaanka dalka Yemen ayaa soo bandhigay Sawirro laga soo qaaday Dagaalyahano Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaayay Maleeshiyaadka Suniyiinta Yemen ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuutiyiiinta.

Labadaani dhalinyaro ayaa kamid ahaa dhalinyarada ku noolaa dalka Yemen, waxa ayna dhowr sano tababaro kala duwan ku qaaten dalkaasi Yemen, iyaga oo goor danbe ku biireen Suniyiinta Yemen.

Laamaha amaanka ayaa magacyada Labadaasi ruux ku kala sheegay Axmed dhegadheere iyo Xasan Axmed Weyrax oo 36 jir ah kuwaasoo difaacayay magaalada Caddan ee dalka Yemen.

Labada Soomaalida ah waxaa la sheegay inay deegaan ku ahaayeen Cadan, waxa ayna sababsadeen gacanta Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dowlada Yemen, ayaa dhawaan Muwaadiniinta Soomaalida ku eedeysay inay ka barbar dagaalamaan Xoogaga ka hoos shaqeeya Maleeshiyaadka Daacish, waxa ayna arrintaani muujineysaa xaqiiqda ka taagan dalka Yemen iyo kaalinta dhalinyarada Soomaalida ay ku leeyihiin dagaalada ka socta Yemen.
somali-y

somali-yeman