Ciidamada AMISOM oo la geyn doono Puntland!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Bartamaha July 2015 waxaa QM ka soo baxay xog u qoran sidan: ((…the Secretary General also endorses the joint report’s recommendations to incorporate semi-autonomous Puntland into the security strategy and establishment joint AMISOM/UNSOM/Somali regional planning mechanism.1))

Macnaha oo kooban waa ‘in qorshaha sugidda ammaanka lagu daro deegaanada Puntland, lana hirgeliyo hab iyo qorshe ka dhexeeya AMISOM/UNSOM/gobolada dalka’. Weertani macadda oo waa hadal si u maldahan.

Ciidanka AMISOM waxay hadda joogaan degmooyinka Muqdishu, Kismayo, Baydhaba, Beledweyne, iyo qeybo ka mid ah deegaannada ku weegaarsan.

Qorshaha ay ku yimaadeen waxaa uu ka mid yahay hannaan la magac baxay (APF – African Peace Facility) oo maalgalintiisu leedahay EU – Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa maalgalinta ku lug leh dawladdaha Mareykanka, Jabbaan, Shiinaha, iyo Gaashaanbuurta NATO.

Ujeeddada taageerada dhaqaale ee APF bixiso waxaa looga golleeyahay in lagu qabto hawlahan soo socda: kobcinta siyaasadda, ciidanka, shaqaalaha, diblomaasiyadda, daryeelka guud iyo horumarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com